Madaxweynaha turkiga waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay dadka ugu adag shakhsiyad ahaan, nin geesi ah oo karti leh, marka aad u laabato taariikhdiisa waxaad ogaanaysaa inuu yahay nin adag oo maamulka ku dheereeya, waa nin diin bartay oo culimada ku xiran, taas waxaa u dheer waa nin naag raaliyad ah qaba, ma og tahay naagta fiican inay shakhsiyadda ninkeeda kaalin weyn ka cayaarayso, waxay dhahaan soomaalida : waxaa jiri jiray labo nin dhalinyar ah oo wax kasta isugu mid ah xagga aqoonta xagga kartida xagga dulqaadka xagga labiska xagga darajada wax walba way ku sinnaayeen laakin waxay kula tageen xaasaskooda midka guursaday naag xun dib buu u dhacay midka guursaday naag fiican wuu sii fiicnaaday marka naagta raaliyadda waa muhim.