Ninka oo weerarka ku qaaday booliska maraykanka magaalada Dallas gobolka Texas , ninkaas wuxuu dilay shan qof ka mid ah booliska maraykanka, wuxuu sheegay inuu rabay inuu dilo booliskaka soo jeeda dadka caddaanka, dhowr jeer ayaa waxaa la dilay dad madow ah, waxaa ka dhacay banaanbaxyo kala duwan oo laagu soo horjeedo cunsuriyadda ka jirka dalka maraykanka oo ah in la necebyahay dadka ka soo jeeda afrika, waxaa la hubaa dadkaas oo madow ah ilaa iyo hadda inay ku jiraan gumaysi dadban, boolis marka uu rabo inu la dhaqmo dadkaas wuxuu kula dhaqmaa rasaas si naxariis la'aan ah ayuu u weeraraa, laakin marka ay yihiin dadka dembiga galay dad caddaan ah wuxuu kula dhaqmaa si dhimrin ku jirto oo naxariis leh, madowga ku nool maraykanka waxay dareemayaan mudab takoor oo aad loogu adeegsado dalkaas oo sheeganaya xorriyad, ha u malaynin madaxweyne ka soo jeedo dadka madowga inuu yahay dalkaas dal laga jecel yahay dadka madmadow, taariikhda marka aad u noqoto aad baad u ogaanaysaa waxa ay yihiin dadkaas.